Muqdisho.(SONNA):- Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.
Shacabka isku soo baxay ayaa si weyn u diiday is doorashadii madaxweynihii hore ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo faragelinta iyo iska horkeenka beelaha ay Dowladda Itoobiya ka waddo gobolkaas.
” Anagoo odayaashii dhaqanka ah, maanta waxaynu marxabeyneynaa oo taageereynaa go’aanka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Jubbaland, go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku ansixiyeen heshiiska doorasho ee qof iyo cod iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,’ ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlayay madasha bannaanbaxa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah,islamarkaana cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.