Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudahaย Koonfur Galbeed mudane Abdullahi Haji Hasan ayaa manta deeq xoolo ah gaarsiiyay ururka 95 guutada 9 ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Bixinta deeqdaan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee degmada Waajid ayaa timid xilli xubnahaasi ay ย kormeer ku tageen xarumaha ciidanka ee halkaasi.
Xubnaha ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Bakool ayaa ciidanka ku ammaanay sida geesinimada ah ee ay u wajahayaan khawaarijta iyo dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.