Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka
    February 24, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska boqortooyada Ingiriiska
    February 24, 2026
    War-saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay ….
    February 24, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden
    February 24, 2026
    Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe
    February 24, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”
GudahaWararka

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 20, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan ayaa waxaa bixintiisa iska kaashaday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Nairobi, iyadoo uu goobjoog ahaa Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Sweden ee Nairobi. Tababarka oo heerkiisu sareeyay ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Ujeedadada Tababarkaan ayaa aheyd in lagu barto ka hortagga dukumiintiga ay ku safraan dadka isu eg, isla markaana rabaan in ay uga gudbaan xuduudaha Dalka Baasabooro ama dukumiintiga safar oo aysan iyagu laheyn. Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay dukumiintiga Yurub ee lagu safro sida Baasaboorka Sweden, Aqoonsiga iyo Degenaanshaha Sweden, Sidoo kale Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay qalabka lagu baaro Baasaboorada, iyadoo ay ku kala saaraayeen Baasaboorka saxda ah iyo kan been abuurka ah.

Lataliyaha sare ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Axmed Cabdi oo dowr muhiim ku lahaa qabsoomidda tababarka iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud oo goobjoog ahaa ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha tababarada ah ee hay’adda mar kasta la garab taagan tahay, gaar ahaan Saraakiisha ka howlgala Xuduudaha Dalka. Waaxda Maamulka Xuduudaha Dalka ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mudooyinkii dambe waday horumarinta Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Xuduudaha Dalka ( Dhulka,  Badda iyo Garoomada diyaaradaha).

Saraakiisha dhameysatay tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin cadeynaya aqoonta ay u leeyihiin baarista dukumeentiyada safarka, iyadoo Sidoo kale qalabka lagu baaro dukumeentiyada lagu wareejiyay Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka caawin doonto hadda kadib baarista dukumeentiga safarka.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Tababarayaasha guddoonsiisay hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Tababarkaan ayay aheyd in uu ka dhaco dalka Sweden, balse xayiraadaha Corona-Virus ee kala xiray adduunka ayaa keentay in Dalka gudihiisa lagu qabto, si loo joogteeyo tababarada Saraakiisha safka hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Astana (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire Fatxudiin Cali Maxamed ayaa…

February 24, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Dhaqaalaha Buluugga ah

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa…

GudahaWararka
July 28, 2024

Ciidanka Xoogga dalka oo deegaanno ka tirsan Sh/dhexe kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgallo nabad sugid ah  ka sameeyey deegaanada War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka…

Wararka
February 12, 2021

Masjidkii ugu horeeyey oo laga furay magaaladda Athens ee caasimadda dalka Giriiga

Muqdisho (SONNA)-Masjidkii ugu horeeyay ayaa laga furay magaaladda Athens ee caasimadda dalka Giriiga ka dib 14-sano oo muran iyo dib-u-dhac…

Wararka
November 3, 2020

Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Dar es Salam (SONNA): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa caawa martigelisay munaasabadda 65-guurada madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo sidoo kale daahfurtay…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023