Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Col. Maxamed Dhagawayne ayaa maanta tababar uga furay magaalada Dhuusamareeb askar iyo saraakiil xigeenno ka tirsan Qeybta 21-aad gaar ahaan ururka 1-aad ee guutada 27-aad iyo taliska qeybta.
Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Col. Maxamed Dhagawayne oo ciidanka la hadlay ayaa ku booriyay in ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga aqoonta iyo dadaalka ay ku bixinayaan macallimiintooda.