Baladweyne-(SONNA)-Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ka war bixiyay saldhig cusub oo laga hirgeliyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne.
Wasiir, Kheyre oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Saldhiggan ay ugu tala galeen in ay kala socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee xaaladda amni ee Dadka ka baxaya ama soo degaya Gegida Diyaaradaha.
Hirgelinta Saldhigga ayuu sheegay in ay ka caawiyeen qeybta Boliiska Ciidanka AMISOM , wuxuuna intaa ku daray in ay qorsheynayaan in Magaalada Baladweyne laga hirgeliyo Saldhigyo kale.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in kooxda Nabad-diidka ay mar-marka qaarkood falal arbushaad ka geystaan degaannada ku dhow Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle taasna ay uga gaashaaman doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Wasiirka amniga maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa sheegay in qorshaha laysugu furayo degaannada go’doonsan uu haatan marao meel gabo-gabo ah.
Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhallinyarada ka codsaday in ay ka waantoobaan wararka been abuurka ee cadowga dhiirri gelinaya, isla markaana ay Garab istaagaan Ciidamada ammaanka.