Ankara-(SONNA)-Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Turkiya mudane Jaamac Caydiid Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadadka ku dhuftay goballada waqooyi ee dalkaTurkiya.
Safiirka ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay eeTurkiga.
Safiir Jamaac yaa Ilaah uga baryay shacabka Trurkiya inuu ka badbaadiyo masiibooyinka .
Hey’adda masiibooyinka ee dalka Turkiya ayaa sheegtay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay goballada waqooyi uu sababay dhibaatooyin badan.
Warbaahinta dalka Turkiya ayaa sheegtay in 6 qof ay ku dhimatay daadadkaas.