Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgalay shir ku saabsan doorka QM ee wadajirka caalamiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgalay shir ku saabsan doorka QM ee wadajirka caalamiga
GudahaWararka

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgalay shir ku saabsan doorka QM ee wadajirka caalamiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: March 25, 2025
3 Min Read
Share

Beijing (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa si rasmi ah uga qayb qaadatay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kuna saabsanaa xoojinta doorka Qaramada Midoobay (UN) iyo horumarinta nidaamka multilateralism-ka (wadajir-dhawrka caalamiga ah). Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socday waddamada xubnaha ka ah UN-ka, khubaro caalami ah, iyo mas’uuliyiin ka kala yimid hay’adaha muhiimka ah ee caalamka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wazir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Mudane Miao Deyu, iyadoo sidoo kale madasha ay ka hadleen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guy Ryder, iyo diblomaasiyiin badan oo metelayay dowlado iyo hay’ado kala duwan.

Safiir Hodan Osman Abdi ayaa ka mid ahayd diblomaasiyiinta madasha ka jeediyay hadallo muhiim ah.

Waxaa ay si cad u muujisay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta wadajirka caalamiga, iyadoo ay Soomaaliya aragto in xoojinta nidaamka UN-ku uu fure u yahay nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay, waxayna si gaar ah diiradda u saartay:

1. Baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo lagu wajaho caqabadaha caalamiga – iyadoo ku boorrisay in xal waara lagu gaari karo keliya marka laga wada shaqeeyo si hufan oo kalsooni ku dhisan.

2. Doorka UN-ka ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida – iyadoo xustay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’ad muhiim u ah dheelitirka danaha caalamka.

3. Aragtida Soomaaliya – iyadoo caddeysay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda nidaamka Qaramada Midoobay iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka caalamka.

“Waxaan rumeysanahay in iskaashi waxtar leh oo ku saleysan qiyamka ay UN-ku taagan tahay uu yahay furaha xal u helidda caqabadaha dunida ka taagan,” ayey tiri Safiir Hodan Osman Abdi, iyadoo ka hadleysay doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qaadato isbeddelka caalamiga.

Shirkan ayaa loo arkay mid muhiim u ah dadaallada ay Shiinuhu ku xoojinayso doorka Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilligan ay dunidu wajahayo isbeddello siyaasadeed, khilaafaad hubeysan, iyo caqabado hor leh oo xagga ammaanka, horumarka, iyo isbedelka cimilada ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bandhigga Shirweynaha 1-aad ee Ururka Haweenka Beeralayda oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha XFS Sahra Yuusuf Cige iyo qaar kamid ah,maamulka Gobolka Banaadir,Bangigga Horumaarinta iyo marti sharaf kale…

Gudaha
September 19, 2025

Maamulka G/ Banaadir oo soo dhaweeyay in gobolka uu matalaadda ku yeesho Baarlamaanka 11-aad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa soo dhoweeyey go’aanka taariikhiga ah ee uu…

Wararka
January 29, 2021

Kooxda Real Madrid oo warbixin ka soo saartay dhaawaca Luka Modric, xilli si horudhac ah loo ogaaday mudada uu maqnaan karo

Madrid(SONNA)-Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Luka Modric ayaa wajahaya dhowr isbuuc oo uu garoomada ka maqnaan doono kaddib…

CaalamkaCiyaaraha
October 16, 2019

Hay’adda UNICEF oo war kasoo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (SONNA)-Hay’adda UNICEF ee qaramada midoobe ayaa canbaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi…

Wararka
October 27, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023