Muqdisho-(SONNA)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia danjire Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa kulan la yeeshay safiirada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay dalka Malaysia, isagoo warbixin ka siiyey danjireyaasha faragelinta iyo ku xadgudubka qaawan ee Ethiopia kula kacday Qaranimada Somaliyeed iyadoo is-afgarad (MOU) sharci-darro ah ku xalaalsanayso dhulka, Badda iyo khayraadka cegaaga badda iyo dhulka Soomaaliya la saxeexatay maamulka Somaliand oo ah ka mid ah Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Danjire Abuukar Cabdi Cismaan wuxuu kale safiirada dalalka Carabta u soo bandhigay in is-afgaradka (MOU) Ethiopia iyo maamulka Somaliland kala saxeexdeen aanu khatar ku ahaynย Soomaaliya oo keli ah laakiin uu halis ku yahay calaamka gaar ahaan dalalka bariga dhexe, Asia iyo geeska Afrikaba, kuwaas oo kulaala biya Badda cas.
Sida oo kale Danjire Abuukar Cabdi Cismaan ayaa mahadnaq ballaaran u jeediye Dawladaha Arabta iyo qaraarkii Jaamacadda Arabta soo saartay kaas oo ay ku taageereen Go’aankii Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku dhawaaqay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu baabi’iyey Is-afgaradka sharci-darrada ah ay kala saxeexdeen Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.