Nairobi (SONNA): Ku-simaha safaraadda dalka DRC-Congo ee dalka Kenya mudane Tshibangu Tshishiku David, iyo Lataliyaha Koowaaad ee safaaraadda Moussa Lombe Didier, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya
Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa qaabilay wafdigaas. Kulan labado geesood ah ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo DRC- Congo.
Wadahadala labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo danaha labada dal. Waxaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta go’aandii ka soo baxay shirkii maalgashiga ee dhawaan ay sida wadajirka ah u soo qabanqaabiyeen labada safaraaradood ee DRC- Congo iyo safaaradaha Soomaaliya ee Kenya
Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isla soo qaadeen qaababka loo horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyada oo laga tusaale qaadanayo go’aanadii ka soo baxay wada-hadal dhanka taleefanka ah oo ay dhawaan yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa DRC-Congo.