Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya mudane Axmed Cali-daahir ayaa magaalada Visakhapatnam ee gobolka Andhra Pradesh kullan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee gobolkaasi wax kabarata.
Kulanka Safiirka iyo ardayda ayaa waxaa ku wehlinayey xoghayaha 1-aad ee safaaradda marwo Faaduma Maxamed Cabdi.
Ardayda ayaa ugu horreeyn safiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey gobolka ay wax kabartaan, islamarkaana warbixin guud ka siiyey xaaladda ardayda iyo heerarkooda waxbarasho, sidoo kale waxaa ay la wadaageen caqabadaha jira iyo sidii ay safaaraddu ku xalin karto.
Safiirka ayaa u sheegay ardada in ay wadaan dadaalo sidii ay wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayen ardayda guud ahaan ee dalka Hindiya wax kabarata, gaar ahaan ardayada uu kulanka la qaatayna si gaar ah tabashooyinkooda u xalin doono, ayna heli doonan dhammaan adeegyada ay uga baahanyihiin Safaaradooda.
Dhanka kale safiirka ayaa ardada kula dardaarmay in ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda waxbarasho iyo midkii ay waaliddiintooda ku bixiyeen si ay u soo gaaran heerarka kala duwan ee waxbarashada.