Addis Ababa (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa si diiran xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa ugu soo dhoweeyey safiir ku xigeenka ahna ku simaha safiirka boqortooyada Urdun ee dalka Ethiopia mudane Dr. Emad Masalim.
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Urdun ee dalka Ethiopia ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal maadaama ay ka mid yihiin dalalka jaamacadda carabta ee uu ka dhexeeyo xiriir mug weyn oo soo jireen ah.
Ambassador Emad ayaa tilmaamay in boqortooyada Urdun ay u diyaar garowday sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga taageeri lahayd wax soo saarka iyo warshadaha.
Danjire Warfaa ayaa dhankiisa si weyn ugu bogaadiyay boqortooyada Urdun taageerada iyo garab istaaga ay doonayso inay ku bixiso arrimaha wax-soo saarka iyo warshadaha Soomaaliya.