Addis Ababa (SONNA): Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magalada Addis Ababa ee xarunta Midawga Afrika danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan la yeeshay wasiiru dawlaha wasaaradda warshadaha dowlada Ethiopia Xasan Macalin, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira iskaashiga dhinaca wax soo saarka labada wadan iyo is dhaafsiga khibradaha warshadaha, xilli dowlada Soomaaliya ay ku hawlantahay in dalka laga hirgaliyo warshado, si sare loogu qaado wax soo saarka iyo horumarka dalka.
Soomsaliya waxay ka mid ahayd wadamada Afrika ugu warshadaha badan, waxaana warshadahaas oo waxyaaba kala duwan soo saara ay kaalin wayn ku lahaayeen dhaqaalaha dalka, marka la eego shaqaalaha tirada badan ee subax walba u shaqo tagi jiray iyo waxyaabaha ay soo saaraan oo dibadda loo iib geyn jiray.