Muqdisho (SONNA)-Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa saxaafadda dalka shiinaha (the Home and Abroad News Press ) u aqoonsatay shaqsiga sanadka 2022, sidoo kalena u dooratay in uu noqdo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee ururkaas.
Safiirka ayaa lagu sheegay in uu ku mutaystay abaal-marintan shaqsiga sanadka oo sanadkiiba mar bixiso saxaafadda Shiinaha kaalinkii diblumaasiyadeed uu qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Safiirka waxa uu si aan gabasho lahayn u muujiyay mawqifkiisa ku wajahan Taiwan, waxaanu si xooggan u taageeray midnimada dalka shiinaha, iyo ilaalinta midnimada Dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo uu si firfircoon uga caawiyay maalgashadayaasha Shiinaha inay qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee dalka Soomaaliya isaga oo kor u qaadaya iskaashiga caalamiga ah ee “Belt and Road Initiatives.” June 15, 2021.
Dhanka kale Danjire Cawaale ayaa booqday Jaamacadda Peking si uu u dhiirrigeliyo is-weydaarsiga iyo iskaashiga jaamacadaha dhanka sayniska, taariikhda, falsafada, iyo dhinacyo kale. Waxa kale oo Danjiraha loo doortay intii uu safiirka ka ahaa dalka Shiinaha Professor ka tirsan Jaamacadda Macdanta iyo Tignoolajiyada ee Shiinaha (Beijing).
Ugu dambeyntii safiir Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa dadaalkiisa dardar cusub ku abuuray horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.