Qaahira (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan kula qaatay xarunta safaaradda Sudan ee dalka Masar mudane Cali Yusuf Al-shariif wasiirka arrimaha dibadda dalka Sudan iyo Danjiraha Dalka Sudan u fadhiya Masar Gen. Cimaad Eldiin Mustafa.
Wasiirka ayaa horaantii bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, wuxuuna ka mahad-celiyay sida sharafta leh ee loo qaabilay jaaliyadda Sudan ee ku dhaqan Somalia.
Sidoo kale, wasiirka ayaa warbixin guud ka bixiyay xaaladda siyaasadeed ee Sudan.
Dhanka kale, Danjire Awaare ayaa adkeeyay xiriirka adag ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, wuxuuna uga mahadceliyay kulanka is xog-waraysiga .