Muqdisho (SONNA): Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb Fe Shengchai ayaa kormeer ku tagay Isbitalka madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulan kula yeeshay agaasimah Isbitalka Dr Xuseen Maxamuud Xuseen.
Agaasimaha Isbitaalka Madaxtoyada JFS ayaa soo dhaweyn iyo warbixin kooban oo Isbitalka Madaxtoyada ku saabsan la wadaagay safiirka, waxaana uu dowladda Shiinaha uga mahadceliyey kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto dowladaha Soomaaliya caawiya.
Isbitalka Madaxtoyada JFS wuxu kaalin weyn ku leeyahay isku xirka iyo taakuleynta dhaawacyada ciidamah xoogga dalka iyo furitaanka Isbitalka degmada Cadale laga hirgeliyey oo weli qaar ka mid dhaqatirta iyo kalkaaliyasha Isbitalka Madaxtoyadu ay ku suganyihin Cadale.
Danjire Fe Shengchai ayaa mujiiyey sida ay dowladiisa uga go’antahay garab istaagga Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday dib u dhis iyo qalabeyn degdeg ah oo isbitaalka lagu samaynayo, sii wadista u qareemidda Soomaaliya iyo joogteynta taakuleynta shacabka Soomaaliyeed.