Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing
GudahaWararka

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 16, 2023
4 Min Read
Share

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay  Bandhiga Carwada 13-aad ee Maalgashiga Dibadda ee Shiinaha (COIFAI), iyadoo halku-dhigga sanadkan ee hindisaha cusub Shiinaha ee ” Belt and Road Initiative” uu yahay qarni cusub, Maalgelin Cusub, horumar Cusub.” Munaasabadan, oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan una sahamiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada Hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee Dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga Carwada khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay Carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo sidoo kale, ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjire Kullane, ayaa ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan. Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga. Intaa waxaa dheer, wuxuu soo jeediyay in Soomaaliya laga helo kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.

Wuxuu sheegay in Dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isagoo u soo bandhigaya muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya. Wuxuu Danjiruhu si qoto dheer khudbaddiisu ugu iftiimiyay Tamarta la cusbooneynsiin karo, cimilada wanaagsan iyo Xeebaha dheer ee Dalkeenna ayaa ka dhigaya meel ku haboon oo looga faa’ideysan karo fursadaha maalgashi, wuxuuna ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah.

Fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya, waxay ahayd qeyb kale muhiim ah oo uu safiirku si weyn u iftiimiyay. Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh. Danjire Kullane ayaa ku booriyay maalgashadaasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka Beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cubtada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Gaba-gabadii, munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha, waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo. Danjire Kullane, waxa uu mahadcelin ballaaran u jeedinayay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha oo soo qabanqaabiyay Bandhigan (COIFAIR), guuleystay, wuxuuna u rajeynayaa in mustaqbalka ay iskaashi dheeri ah yeeshaan Shiinaha iyo Soomaaliya. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamo Boolis ah oo la geeyey Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidamo Booliis ah geeyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda si toos…

Wararka
November 7, 2019

Ciidanka Xoogga oo khaarijiyay ku dhawaad 20 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab

Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka…

Wararka
May 31, 2020

Duqayn ka dhacday Gobolka Baay oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho-(SONNA)-Shan xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Saacadihii lasoo dhaafay…

Wararka
April 4, 2020

Agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina oo munaasabad soo dhaweyn loo sameeyey+sawirro

Muqdisho(SONNA) Munaasabad lagu dhiirogelinayay laguna soo dhaweynayay maamulka cusub ee dhawaan loo magacabay isbitalka Madiina ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.…

GudahaWararka
August 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023