Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing
GudahaWararka

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 16, 2023
4 Min Read
Share

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay  Bandhiga Carwada 13-aad ee Maalgashiga Dibadda ee Shiinaha (COIFAI), iyadoo halku-dhigga sanadkan ee hindisaha cusub Shiinaha ee ” Belt and Road Initiative” uu yahay qarni cusub, Maalgelin Cusub, horumar Cusub.” Munaasabadan, oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan una sahamiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada Hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee Dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga Carwada khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay Carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo sidoo kale, ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjire Kullane, ayaa ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan. Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga. Intaa waxaa dheer, wuxuu soo jeediyay in Soomaaliya laga helo kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.

Wuxuu sheegay in Dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isagoo u soo bandhigaya muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya. Wuxuu Danjiruhu si qoto dheer khudbaddiisu ugu iftiimiyay Tamarta la cusbooneynsiin karo, cimilada wanaagsan iyo Xeebaha dheer ee Dalkeenna ayaa ka dhigaya meel ku haboon oo looga faa’ideysan karo fursadaha maalgashi, wuxuuna ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah.

Fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya, waxay ahayd qeyb kale muhiim ah oo uu safiirku si weyn u iftiimiyay. Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh. Danjire Kullane ayaa ku booriyay maalgashadaasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka Beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cubtada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Gaba-gabadii, munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha, waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo. Danjire Kullane, waxa uu mahadcelin ballaaran u jeedinayay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha oo soo qabanqaabiyay Bandhigan (COIFAIR), guuleystay, wuxuuna u rajeynayaa in mustaqbalka ay iskaashi dheeri ah yeeshaan Shiinaha iyo Soomaaliya. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Cusub Ee Dharkeenleey “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar…

Wararka
September 3, 2020

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasimaha Madbacadda Qaranka

 Muqdisho;(SONNA) -Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda…

Wararka
April 29, 2020

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta…

GudahaWararka
July 8, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay daah-furayey Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060…

GudahaWararka
June 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023