Beijing-(SONNA)-Safiirka cusub ee ay dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Shiinaha danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimadda waddankaas ee Beijing.
Danjire Hodan Cusmaan waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Beijing kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas oo uu hoggaaminayay siihayaha Safaaradda Cabdisalaan Koodaar, iyo Diblomaasiyiin ka socotay Safaaradaha wadamada Afrika ee dalka Shiinaha.
Danjire Hodan Cusmaan ayaa kulan isbarasho ah la qaadatay diblomaasiyiintii soo dhaweynta u sameeyay oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Cameroon ahna hoggaanka danjireyaasha wadamada Afrika ee Beijing Martin Mpana, wakiilka joogtada ee Midowga Afrika u jooga wadankaas Rahmatalla Maxamed iyo Safiirka dowladda Senegal ee dalka Shiinaha danjire Ibraahim Sory Sylla, waxaana ay adkeysay in muhiim ay tahay inay wadaashaqeyn buuxda ay la yeeshaan inta ay joogto muddo xileedka.
Safiirka cusub eeย Soomaaliya danjire Hodan Cusmaan ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaagaan.