Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika
GudahaWararka

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 20, 2023
2 Min Read
Share

Yanglin,(SONNA):- Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo loogu magacdaray iskaashiga Beeraha Shiinaha iyo Geeska Afrika, kaas oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socda safiirrada Geeska Afrika oo uu hoggaaminayay Danjiraha Sooomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa lagu qabtay magaalada Yanglin ee gobolka Shaanxi ee dalka Shiinaha.

Aqoon-isweydaarsigan muhiimka ah ee ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca Beeraha iyo kobcinta wax-soo-saar guuleysta oo dhexmara labada gobol.

Danjire, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, isagoo xoogga saaray sida ay Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo loo marayo iskaashiga dhinaca beeraha.

Danjire Cawaale Kullane, oo hoggaaminayay wafdiga safiirrada Geeska Afrika ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee Geeska Afrika iyo Shiinaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo kordhinta is-weydaarsiga u dhexeeya ergada dalalka Geeska Afrika ee Shiinaha iyo wakiillo ka socda Xarunta Wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika ee Isweydaarsiga Tignoolajiyada Casriga ah, Bandhigga iyo Tababarrada.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee khubarada iskaashiga beeraha ee dalalka Afrika.

Ugu dambeyn, madasha ayaa waxaa ka hadlay oo soo xiray aqoon-kororsigan, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,Mr.Xue Bing ayaa ku celiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay taageerto horumarinta Geeraha gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiirri-geliyay wada-shaqeyn joogta ah oo dhexmarta dhammaan ka qaybgalayaasha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xarumaha ay ku Howlgalaan Laamaha Garsoorka”SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeeray Xarumaha  iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Laamaha Garsoorka…

Wararka
June 14, 2021

Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay hay’adda WFP oo ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda

Muqdisho (SONNA) Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka…

Wararka
October 9, 2020

Wasiir Cadaala: Shirkeenna maanta waxa uu ku saabsanaa bayaaminta sida DFS u curyaamisay dhaqaalihii khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta shir jaraa’id…

GudahaWararka
February 25, 2026

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad is-barasho ah u sameeyay Dibolomaasiyiinta Safaaradda

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax…

Gudaha
April 3, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023