Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safarkii gaariga ee ku wajahnaa madaxtooyadda Soomaliya(Maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Safarkii gaariga ee ku wajahnaa madaxtooyadda Soomaliya(Maqaal)
MaqaalladaWararka

Safarkii gaariga ee ku wajahnaa madaxtooyadda Soomaliya(Maqaal)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: February 5, 2023
13 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshaddeed, Dimuqraadiyeynta dalkuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo,Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska.

Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka.

Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaran yihiin toddoba askari, qorina kuย  rakiban yahay .

Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xigaan kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay.

Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid lagula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan ugu halista badan dunida guudkeeda.

Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suran yahay sawirka Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisan yahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furan yahay.

Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacan qaaday,Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegsado inkastoo ay si marin habaabin u tahay tilmaanta astaanta โ€œDal fashilmayโ€ ayaa u muuqata shaqo dhib badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sarreeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysay een ku meel gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyihii Militariga ahaa ee muddada dheer xukumyay Soomaaliya.

Wax yar uun kaddib doorashadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku day dil lagula beegsaday hotel uu ku qaabilayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Mar kale xubno ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-shabaab oo ah tan ugu hantida iyo halista badan kooxaha hoostaga Alqaacidda ayaa gaari ku qarxisay ilinka laga galo Villa Soomaaliya,Mid ka mid ah dagaalyahanka kooxda argagixisada ayaa ku dhawaad 100 mitir u jirsaday halka Madaxweynaha ku sugnaa ka hor inta aan la toogan.

Waxaa dib loo doortay bishii May ee sanadkii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay qabto hey`addiisa sirdoonku waxa uu yahay mar kale bartilmaameedka koowaad ee Al-shabaab.

Maalmo uun yar kaddib wareysigaan kooxda jihaadiga ayaa fulisay labo qarax oo dilay ugu yaraan boqol qof,Mid ka mid ah bartilmaameedyada ayaa ahaa Wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu hoggaamiyo Wasiir ee Faarax Sheekh Cabduqaadir saaxiibka siyaasadda ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh- waa uu ka badbaaday weerarkaas Wasiir Faarax.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo ku tilmaamay weerarka aargoosi ka dhan ah guusha ay dawladdiisa cusub ay ka gaartay waxa uu ku tilmaamay dagaal aan waxba lala harin doonin oo ka dhan ah argagixisada. Dawladdiisa ayaa dhawaan dib ula wareegtay dhawr deegaan oo muhiim ah.

Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado faro badan,Soomaaliya ayaa inta badan lagu arkaa halka ugu hooseeysa ee kala sarreynta caalamiga ah ee musuqa, saboolnimada iyo nuglaanta dawladnimada.

Fagaaraha siyaasadda Soomaaliya dhaxdeeda 67 jirkaan ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan inta kale,Guud ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliya ma uusan ka tagin dalka .

Dhammaan caruurtiisa 20-ka ah ayaa ku dhalatay dalka,Taas ayaa ka duweysa Madaxweynihii xukunka uga horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah kaas oo inta badan noloshiisa ku qaatay Gobolka New York sida inta badan aqoonyahanka Soomaalida ah.

Markii ay Muqdisho lugaha la gashay fowdo kaddib hawlgalkii Maraykanka ee fashilmay 90 meyadii inta badan ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa.

Maxamuud oo waqtigaa ahaa Macallin iyo ganacsade ku sugan caasimadda ayaa xasuusta in xilligaas uu ahaa waqtigii dhaca, dilka, maleyshiyaadka iyo habeenno hurdo la`aan ah oo aadan marnaba ogeyn goorta hoobiye gurigaaga kusoo dhacayo.

Waxa uu dib usoo xasuustay geerida saaxiibkiis ka weynaa oo uu dilay firir ka dhashay hoobiye ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn halkii uu saaxiibkii joogay.โ€œWaqtigaa wuxuu ahaa waqti adag. Isma aanan lahayn waad badbaadi doontaan. Waxbarshada Jaamacadeed heerka labaad oo uu kusoo qaatay Hindiya darteed Xasan waxa uu ahaa nuuca nolol fiican ku heli karay Kenya ama heli lahaa Visa uu ku tago dalalka Yurubta Galbeed. Hayeeshee marnaba kuma uusan faraxsaneeyn inuu dibadda aado. โ€Marnaba igumaย  soo dhicin fikiradda ah inaan dibadda aado.โ€

โ€œMuqdisho waa halka ay tahay inaan joogo. Waxa uu u heystay in dagaalada qabiilada ee waqtigaa holcayay ay si dhaqso ah ku dhammaan doonaan oo ay yihiin kaliya wax yar oo laga gudbayo ka hor inta aan dib loo dhisin dawlad dhexe.

Hoggaamiye kooxeedyada ayaa yiri rajo fiican ayaa jirta innaguna waan rumeysanahayโ€ayuu yiri.

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada, Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii magaaladii u qaybiyay aagag dirirsan.

Waxay ahayd shaqo halisteeda leh. Qaar ka mid ahaa shaqawadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu xasuustay dhacdo isaga ku dhacday maalin sannadkii 1998-kii markii koox maleyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay.

Gudaha waxa uu ku arkay meyd dhulka yaalla. Markii hore waxaan u qaatay qof jiifa.

Maleyshiyaadkii ayaa ka qaatay waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.

Maxamuud ayaa si weyn usoo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah kuwaas oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay.

Bartamihii sanadkii 2000 waxaa sare u kacay xoogagii jihaadiga ahaa taas oo keentay in Itoobiya ay ku duusho Soomaaliya. Soomaaliya ayaa gaartay halkii ugu hooseeyay abid.

Kooxaha jihaadiga oo markii dambe u xuubsiibtay Alshabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka la galay dagaal waddo ka waddo ah, xaafad ka xaafad ah taas oo keentay inay maydadku meel kasta tubnaadaan.

Madaxweynaha mustaqbalka iyo saaxiibadiis ayaa isku xilqaamay inay maydadka ka soo aruuriyaan burburka iyo goobaha ay yaaleen.

Dawlado kumeel gaar ah oo isxigxigay ayaa la dhisay si ay dalka nabad ugu soo dabbaalaan wallow awoodooda aysan wax badan dhaafsiisneyn Villa Soomaaliya. Maxamuud iyo saaxiibadiisย  oo ka niyadjabsan xaalka waddanka ayaa bilaabay inay ka doodaan waxa xiga ay tahay inayย  sameeyaan.

Waxaan iswedyiin jirnay imise sanno oo kale ayaan sugi karnaa? Maxamuud ayaa go`aanku gaaray in uusan dooq aan ahayn in uu siyaasadda ku biro jirin. 2010-kii ayuu asaasay xisbigii ugu horreeyay tan iyo afgambigii 1969.

Soomaaliya ayaa tan iyo 12kaas sanno waxay sameysay hor u kac. Kooxda Alshabaab ayaa dib loogu riixay deegaanada miyiga ah. Shan maamul Goboleed marka laga reebo Soomaland oo intooda badan la asaasay waqtigii Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay koritaan.

Galinkii dambe maalintaas xilli lagu galbinyay kolonyadiisa wadada weyn waxaa ku xardhanaa boorar lagu xusayo asaaska mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka, xataa haddii aysan jirin dawlad ganacsiyadu waxay heleen qaabab ay ku hormaraan.

Laakiin geediga ayaa muujinaya xadka mashruuca dawlad dhiska Soomaaliya . Villa Soomaaliya waa astaan. Sida madaxtooyooyinka kale ee Afrika malahan weynaanta iyo baaxadda. Waxaa ka muuqda duleelada rasaasta iyo burbur meelaha qaar, marka laga reebo dhisme leh naqshadda Talyaaniga oo udub dhexaad u ah.

Dhismuhu wuxuu u egyahay xero ciidan intii uu u muuqan lahaa xaruunta halbowlaha u ah dawladda. Askar Ugandhays ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ilaalo ka haya xayndaabka madaxtooyaada.

Xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida dawladda Soomaaliya ay ugu tiirsantahay shisheeyaha. Madaxweynenimada Soomaaliya inta lagu raaxeeysanayo waxaa ka badan inta la dhisayo.

Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad geliya sheekeysiga dhexmarayey isaga iyo wariyahq. Saacadadiisu waa adagatahay:

20 saacadood maalintii ayuu shaqeeyaa, todobada maalmood ee usbuucii Madaxweynuhu wuxuu had iyo jeer ku jiraa talefan, isagoo helaya wararka ka soo kordha goobaha dagaalka isagoo leh xiisaha aan ka daalin inuu ka war qabo weerarada cusub ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waddooyinka ayaa la sii banneeyay ka hor inta uusan marin Madaxweynuhu. Halka aan u soconno oo ku dhow goobta aad loo ilaaliyo oo saldhigga u ah safaaradaha ajnabiga ah iyo hoteelada ugu amniga fiican, ciidanka koofiya guduudda ayaa xiray aagga ku dhow.

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedinaya gunaanadka kulanka culimada oo dawladdu ay maalgalisay kaas oo qayb ka ah hindisaha dagaalka fikirka ee dawladda. Xasan oo ah qunyar socod Islaami ah ayaa aaminsan in diintu ay tahay xabagtu la iskugu toli karo ummad burbrutay, siyaasadda Islaamiga ah aysan noqon mid rabshad iyo fowdo ku dhisan.

Markii uu jeedinayay nuxurka farriintiisa oo ahayd inay tahay waqtigii culimada iyo hoggaamiyaasha bulshada ay ka hor imaan lahaayeen Alshabaab, waxay u muuqatay in kasoo qaybgalayaasha oo u badnaa raga masaajidda ay la dhacsanaayeen. Inay dhab ka ahayd iyo in kale way adagtahay in la sheego, hayeeshee waxay ku qoslayeen kaftanadiisa (Mid ka mid ah naaneysahiisa waa qoslaaye).

Khudbadhooda waxay huwiyeen ammaan. Maxamuud marka uu saaranyahay halka uu khudbadda ka jeedinayo uma muuqdo in uu kusoo jiidanayo, laakiin waxa laga dheehan karaa inuu u egyahay Bare jaamaceed ookiyaalihiisa wax ka dhex eegaya. Haddana waxa uu leeyahay cod xooggan iyo habdhaqan ku dejinaya. Indhihiisu waa ay birqayaan marka uu dhoolacaddeeyo, waxa uu leeyahay awoodda sare u qaado niyada ka qaybgaleyaasha.

Waxa uu sawiray muuqaalka Soomaaliyada ka horreysay inta la keenin afkaarta dibadda laga soo dhoofiyay. Muuqaal sida uu sheegay muujinyay dhammaan kooxaha diineed oo si nabad ah u wada noolaayeen dibna loo soo celin karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bud-dhiga dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimograadi ah, tasina ay tahay jidka keliya ee looga bixi karo mushkilada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Ajendaha kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu arko Soomaali oo dib cagaheeda isugu taagtay, oo ayaan jirin wax kale oo uu nolosha ka rabo.

Xigasho: ย The Guardian

Warbixinta waxaa diyaariyay Wariye Tom Gardner

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israaโ€™iil oo duqeymo ka geysatay Suuriya

Damascus-(SONNA)-Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya SANA oo soo xiganaysa ilo milateri ayaa sheegtay in ciidanka difaaca circa ay ka hortageen…

CaalamkaWararka
December 16, 2021

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kiiska haweeney dil ku eedaysan

Muqdisho (SONNA): Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa cadeeyey inuu gacanta ku hayo haweeney ku eedeysan dil iyo dacwad…

Wararka
May 16, 2023

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

Soomaaliya seddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray., waxaynka kala yihiin:- 1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga aheyd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
November 26, 2023

Saalax Jaamac โ€œXadaarad kasta oo ummadi gaadho waxay ku xiran tahay aqriska iyo qoraalka dadkoodaโ€

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul wsaare kuย  xigeenka dalka ahna ku simaha raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa…

GudahaWararka
May 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023