Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)
GudahaWararka

Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)

By SB
Last updated: December 15, 2022
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Maraykanka ayaa martigelinya madaxweyneyaasha 50 dal oo Afrika ah shirkan ayaa loogu magac daray Shirweynaha Maraykanka iyo Afrika iyadoo dal walba danihiisa gaarka ah iyo sidii uu wax ula qaybsan lahaa dalka maraykanka kusoo bandhigi doono madashan, ayey haddana madaxda Afrika waxay fursad u haystaan in ay si midaysan iskaashi siyaasaddeed iyo mid dhaqaale ugula heshiiyaan maraykanka taas oo faa’iidooyin badan u leh,iyadoo qorshaha Cusub ee maraykanka iyo xulufaddiisu ay ugu talo galeen dalalka Afrika sida jaantuuska lagu xusay ku baxayso lacag gaaraysa ilaa $600 boqol oo Bilyan,tan oo kor u qaadaysa dhaqaalaha Afrika iyo kaabayaasha dhismaha.

Shirkan ayaa Loogu talo galay in looga hadlo Siddeed qoddob ( 8 ) oo kala ah.

1- kobcinta ka qeybgal dhaqaale oo cusub.

2-horumarinta nabadda, amniga, iyo maamulka wanaagga.

3-taaba-gelinta nidaamka dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka.

4-in si wadajir ah looga shaqeeyo xoojinta amniga caafimaadka gobolka iyo kan caalamiga ah.

5- kor u qaadida sugnaanta cuntada.

6- wax ka qabashada dhibaatada cimilada Aduunka.

7- xoojinta xiriirka qurba-joogta iyo ka qaybgalka horumarinta dalalka.

8- horumarinta waxbarashada iyo hoggaanka dhalinyarada Afrika.

Soomaliya shirka iskaashiga Maraykanka iyo Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa shirkan uga qayb gelaya iyadoo durba madaxweynuhu bilaabay kulamadda muhiimka ah ee uu la qaadanayo Madaxda ugu saraysa Dowladda Maraykanka isagoo la wadaagay horumaradda la taaban karo ee laga gaaray Dowlad dhiska Soomaliya iyo Dagaalka lagaga xoraynayo dalka kooxaha Khawaariijta iyo sida kooxda khawaarijtu u burburisay kaabayaashii nolosha deegaannada laga xoreeyey intii ay xukumayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield, isagoo la wadaagay guulaha laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta waxa uuna tilmaamay saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya ku yeelatay hawlgalka dib u xoreynta dalka isagoo sheegay in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan,Madaxweynaha ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo si wadajir ah loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolosha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

SONNA EDITOR.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Dekadaha oo qaabilay danjiraha Turkiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku…

GudahaWararka
April 28, 2025

Baarlamanka FS oo xeer ka soo saaray is-afgaradkii Somaliland iyo Ethiopia

Muqdisho (SONNA): Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray…

GudahaWararka
January 2, 2024

Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda gobolka Banaadir  ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto sarakiil katirsan Hay'adda…

GudahaWararka
February 25, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa Masar

Qaahira(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xarunta Baarlamaanka magalada Qaahira kulan laba…

GudahaSiyaasaddaWararka
March 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023