Muqdisho(SONNA);-Safaaradda Soomaaliya ee Serbia ayaa uga hambalyeysay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA sanad-guuradeedii 61-aad oo ku beegan Janaayo 5, iyagoo bogaadiyay doorka ay ka qaadatay isku xirka Soomaaliya iyo caalamka tan iyo 1964.
Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka (X) ayay safaaraddu ku sheegtay in SONNA ay ka gudubtay caqabado badan, isla markaana ay u rajeynayaan guul iyo horumar sanadka 2025.