New Delhi(SONNA)-War ka soo baxay Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Dalka Hindiya ayaa sheegaya in la hakiyo adeegyadii ay qaban jirtay safaaraddu laga bilaabo maanta oo ah Isniin Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kuwaas oo ku aadan xakameeynta xanuunka inta badan dunida ku baahay ee cornovirus covid19.
Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada aan martida u nahay ee Hindiya, si looga hortago xakamaynta cabuqa islamarka vay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo kordha muddada ay Safaraddu xiran tahay, iyadoo lataliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi oo guddoomiye ka ah guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, kana jawaabi doona cabashooyinkooda, waxa ayna Safaaraddu sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ma jiraan goobaha Waxbarashada arday aada, ganacsatada joogta hadda dalka kama bixi karaan, sidoo kale dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalka, qarkood waxa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya oo ah halka dadka ugu badan ay ka qatan Fisaha.
Sido kale dad degan Magaalooyinka kala duwan waxa ay qaarkood sameeyeen ducooyin iyo Allabari oo Rabbi kaga baryayaan xanuunkaan saf marka ah in ay ka nabadgalaan, iyadoo dhanka dhaqdhaqaaqa waxa ay kala siman yihiin Shacabka Hindiya, waxayna qaarkood u sheegeen Warbaahinta Qaranka in ay guryahooda ku nagaan doonaan inta ay ka arkayaan isbedal kale, madaama dalku uu galay xalad dag dag ah.