Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masjidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020.
Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu yiri โ iydoo la raacayo talada dhaqaatiirta, lana tix gelinaayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masjidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay masโuuliyiinta Sacuudigu goโaansadeen in muslimiinta loo ogolaado inay gutaan cimradaโ.
Masโuul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniintaย iyo dadka deggan Sacuudigaย inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya.
Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda Karona iyo bad qabka Muslimiinta.