Muqdisho(SONNA):-Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudiga iyo Iiraan, Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Xuseen Amiir ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Shiinaha ee Beijing, si loo dardargeliyo heshiiska dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Kanaalka Sacuudiga ee โAl-Ikhbariyaโ ayaa sheegay in labada wasiir ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha, ayna saxiixeen heshiis wada jir ah.
Dhanka kale, wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in si rasmi ah uu dib ugu soo laabtay xiriirkii labada dal.
Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ku heshiiyeen sidii dib loo furi lahaa safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal.
10-kii Maarso, Sacuudi Carabiya iyo Iiran ayaa ku dhawaaqay inay dib u furayaan safaaradahooda laba bilood gudahood, ka dib wadahadal uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa oo ka dhacay magaalada Beijing, sida lagu sheegay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen saddexda dal.