Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Saaxiibbada Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed wadajirka ah oo ku saabsan xaaladda dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saaxiibbada Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed wadajirka ah oo ku saabsan xaaladda dalka
GudahaWararka

Saaxiibbada Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed wadajirka ah oo ku saabsan xaaladda dalka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wada hadleen  xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada

Saaxibbaadan kulmay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida.

Waxaa kale oo kulanka looga  dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanka dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka Qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024.

Si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuuddooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ah ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale ka doodeen  muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaaddaan shir lagu dejinayo qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024.

Saaxiibbada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahay hubinta xasillooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgeliyo deegaannadii dhowaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibbada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deegannadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ballan qaadday in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibbada taageera hannaanka isku duwidda dedaallada xasilinta Soomaaliya.

Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso buuxinta shuruudaha farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Saaxiibbada waxa ay taageereen in uu Golaha wada-tashiga Qaranka kordhiyo dedaallada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,  dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.

Waxa Sidoo kale isku raaceen  horumarka laga sameeyay dhinaca  dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Saaxiibbadu waxay isku raaceen sii wadidda ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda.  

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerada tababarka ee Turkisom

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeer ku tagay xerada tababarka ee Turkisom ee duleedka magaalada…

GudahaWararka
October 22, 2023

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
August 8, 2024

Diyaaradda Fly Dubai oo Muqdisho ka bilowday duulimaadyo toos ah

Muqdisho:-SONNA-Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan waxaana ay duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho,…

GudahaWararka
March 9, 2023

Shirweynaha madasha garsoorka 6-aad oo maanta la soo gaba gabeeyey

Muqsisho(SONNA):-Waxa si guul ah maanta u soo gaba gaboobay madasha 6-aad ee shirweynaha garsooreyaasha oo mudo laba maalmood ah ka…

GudahaWararka
May 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023