Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 23, 2023
6 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba soo saareysay sharciyo lagu sugaayo Ammaanka Dalka iyo xasiloonida Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo dhammaantood u muuqday inay dhaqangaleen, waxaana ka mid ah sharciga nuxurka xakameynta Hubka, kaasi oo qeyb weyn ka qaatay ammaanka iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho,iyadoo ay aad u mahdiyeen shucuubta ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana bar-bar socda nidaanka kale oo lagu xakameynayo qul-qulka Hubka sharci-darrada ah.

Hubka sharci darrada ah intii uu dalka ku soo qul-qulaayay hub fara badan kaasi oo waxyeello baahsan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxaba galabsan, sidaasi awgeed Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ayaa dhawaan soo bandhigtay tirakoobka dadka ku dhintay weerarada kooxaha Argagixisada oo ay ka geysteen Soomaaliya Sanadihii 2021-kii iyo 2022-kii, Xaruntaan ayaa Warbixinteeda sal uga dhigtay daraasad iyo uruurin Macluumaadka la xiriira falalka Kooxda Argagaxisada ah ee Shababka, waxayna Africa Center for Strategic Studies ay sheegtay in sanadkii hore ee 2022-kii ay kooxda Argagixisada Shabaabka weeraro ay geysteen ay ku naf waayeen 2,606 Qof, walow ay ka badneyd tirada dadka kooxdaasi ay nolosha dhaafisay sanadkii ka sii horeeyay ee 2021 oo eheyd 6,225 Qof.

Sanadkaan ee 2023-ka ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bay u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska kooxda la saaray, maadaama duulaan culus oo kooxdan lagu qaaday looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaala degaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Mako Maxamuud Muuse oo dhawaan loo magacaabay la taliysha Madaxweynaha ee qulqulks hubka sharci darrada ah ayaa waxaa jirta in Saanad Ciidan iyo Ganacsatadii keentay la qabto, iyadoo ay Sirdoonka Qaranka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan  Qalab aad u badan oo ay lahayd Khawaarijta, kaasi oo ahaa Saanad kala duwan oo ay doonayeen in ay u adeegsadaan Weerarada ka dhanka ah Masuuliyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed. Sirdoonka Qaranku, wuxuu sidoo kale ee uu soo xir xiray Shabakad ballaaran oo ka koobnayd Toban Qof,  kuwaasi oo ahaa kuwii qaabilsanaa kala gudbinta iyo sidoo kale Gaadiidkii la doonayay in lagu qaado Sanaaddaan Khawaarijtu laheyd.

Hawlgalka lagu fashiliyay wuxuu ahaa Mid aad loo agaasimay oo tixnaa ilaa halkii laga soo iibiyay, halka loo waday, meelaha laga kala gudbinayay iyo cid kasta oo ku lug lahayd, waxaana lagu soo kala qabtay dekedda weyn ee Magalada Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muaqdisho iyo Koonteenar kale oo isna lagu soo qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Tani waxa ay muujinaysaa in hadda ay Hay’adaha Amnigu si wanaagsan gudaha ugu galeen xayndaabka Khawaarijta,  isla markaana awood u yeesheen in ay dhex galaan kana gutaan waajibaadkooda, waxaana Shaki la’aan talaabadaan waxay badbaadisay Nolosha Dad aad u fara badan, sidoo kale waxeey fashilisay Dhagar sare iyo halis wayn oo ku wajahnayd Bulshadeenna iyo mas’uuliyiinteenna, waxaa kale oo  xusid mudan in kuwa ku lugta lahaa fal danbiyeedkaan ay ahaayeen Ganacsato haysatay Shatiyo Sharci ah,  balse isku dayay in ay ugu adeegaan Khawaarijta, taasi oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan la nimaadno feejignaan dheeri ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo ka hadlaayay arintaasi aya yiri, “ Marka hore Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh, marka labaadna Sirdoonka Qaranka iyo cid kasta oo gacan ku siisay waajib gudashadaan wayn, oo suurtogalisay in lagu guuleysto in la qabto sanaad intaasi la eg oo la doomayaya in la dhibaateeyo Dadkeenna”

“Shacabkeenna Sharafta badanoow, waad aragtaan jabka iyo liidashada dhinac kasta ka haysta Khawaarijta, sidaas awgeed waxaa la joogaa waqtigii aan dhamaanteen u bareeri laheyn, kuna dhiiran lahayn in aan toos u wajahno Khawaarijta iyo cid kasta oo xiriir la leh, kana suulin laheyn Dalkeenna” ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor sii horreysay ka hadlay qul-qulka Hubka sharci darrada ah, isagoo xusay in ay jiraan Ganacsato Soomaaliyeed oo ku guda jirta keenista qalabka iyo Saanadda Ciidan, isagoo caddeeyay inay mamnuuc tahay in la keeno dalka qalabka Militari nooc kasta ha ahaadeene, una soo jeediayay inay ka waantoobaan, hadii kale sharciga lala tiigsan doono.

Waxaa la yaab noqotay in Dekeddi Dalka laga soo dajiyo waxyaabo u adeegaaya Khawaarijta, mana loo dulqaadan karo inay taasi mar kale ka dhacdo, Haddaba dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka dhur sugaynaa in cadaaladda la marsiiyo Ganacsatadii ku dhiiratay inay qalabkaasi Militari keenaan Dalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay falkaasi amniga lagu waxyeeleynayay, islamarkaana shacriga la marsiiyo, Maxkameydntoodana ay ahaato mid daah furan oo lagala wada socdo qalasbka Warbaahinta Dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay koox lagu eedeeyay dil

Cidamada Ammaanka Puntlan ayaa gacanta ku dhiigay koox ka dambeysay dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lala beegsaday Sarkaal ka…

Gudaha
April 2, 2021

Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in…

GudahaWararka
April 24, 2024

Shirka Dib-u-eegista  iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Abababa

Addis ababa(SONNA):-Shirka dib-u-eegista dhexe ee guddiga farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka…

GudahaWararka
July 18, 2025

UK oo liiska gaduudan ee COVID-19 ka saartay dadka ka tegaya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Laga bilaabo 11 bishaan aynu ku jirno ee October ayaa waxaa UK liiska gaduudan ama casaanka ah ee Karoona…

GudahaWararka
October 7, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023