Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wsaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.
Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday, qorayaal iyo aqristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.
Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda aqriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo aqriska oo la kobciyo.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda Danqaran ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta aqriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyey masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.