Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
Mudane Xamse ayaa ka mahadceliyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.
Safiirka ayaa isna ka mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loo sameeyay.