Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa u magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Xamza Adan Xaadoow, loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.
Wareegtada ayaa dhaqan galeysa 28-da Janaayo 2023 oo maanta ku beegan.