Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 23, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta hoggaamiyey Isu-soo-bax dadweyne oo ka qabsoomay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaas oo bulshadu ku taageerayso doorashada tooska ah.

Isu-soo-baxaan oo ahaa kii ugu dambeeyay ee wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Mas’uuliyiinta Gobolka, Guddoomiyeyaal degmo, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqollaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay degmada Kaaraan, oo uu sheegay in ay shacabkeedu diyaar u yihiin codbixinta, waxa uuna yiri:

 

Intaas kaddib, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal-jeedin sameeyay ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashada, sugidda amniga, iyo doorka shacabka ee go’aaminta masiirkooda. Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u hananayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, iyagoo dooran doona mas’uuliyiinta ay rabaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada degmada Kaaraan ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen dareenkooda rabitaanka doorashada, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda doorashada, isagoo ku dhiirrigeliyay bulshada inay codkooda dhiibtaan.

“Waxaa la soo afjari doonaa wixii loo yiqiinnay doorasho dadban, in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan dad yar” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyn, Isu-soo-baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay goobaha codbixinta u dareeraan maalinta khamiista ah ee soo socota si ay u gutaan waajibaadkooda uu dammaanad qaadayo dastuurka qaranka, si ay codkooda ugu gaaraan yoolka ah: in la dhiso caasimad ka ammaan badan sida maanta, ka mideysan, kana horumarsan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda gaashaandhigga oo ka hadashay deegaanada maanta laga xoreeyey Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay…

GudahaWararka
August 21, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u mahad-celiyay Maamuladii iyo dadkii ka qeyb qaatay Gargaarka Beled-weyne “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-Xiggeenka Maamulkaasi Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay…

Wararka
November 18, 2019

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka sameyay gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho,(SONNA):-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay Deegaanka Danoow gaar ahaan Ururkeda 26-aad gutada 6-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal gaar…

GudahaWararka
July 7, 2023

Ciidanka Nabad-sugidda ee Gedo ka howlgala oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Luuq…

GudahaWararka
October 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023