Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Raโ€™iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Raโ€™iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo
GudahaWararka

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 23, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta hoggaamiyey Isu-soo-bax dadweyne oo ka qabsoomay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaas oo bulshadu ku taageerayso doorashada tooska ah.

Isu-soo-baxaan oo ahaa kii ugu dambeeyay ee wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Mas’uuliyiinta Gobolka, Guddoomiyeyaal degmo, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqollaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay degmada Kaaraan, oo uu sheegay in ay shacabkeedu diyaar u yihiin codbixinta, waxa uuna yiri:

 

Intaas kaddib, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal-jeedin sameeyay ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashada, sugidda amniga, iyo doorka shacabka ee go’aaminta masiirkooda. Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u hananayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, iyagoo dooran doona mas’uuliyiinta ay rabaan.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada degmada Kaaraan ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen dareenkooda rabitaanka doorashada, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda doorashada, isagoo ku dhiirrigeliyay bulshada inay codkooda dhiibtaan.

“Waxaa la soo afjari doonaa wixii loo yiqiinnay doorasho dadban, in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan dad yar” ayuu yiri Raโ€™iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyn, Isu-soo-baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay in ay goobaha codbixinta u dareeraan maalinta khamiista ah ee soo socota si ay u gutaan waajibaadkooda uu dammaanad qaadayo dastuurka qaranka, si ay codkooda ugu gaaraan yoolka ah: in la dhiso caasimad ka ammaan badan sida maanta, ka mideysan, kana horumarsan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saraakiisha Mareykanka oo faahfaahiyey xogta weerarkii lagu dilay madaxii ISIL

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyihii ISIL (ISIS) Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi ee lagu dilay weerar uu Maraykanku ku qaaday…

Caalamka
January 7, 2023

Dowladda oo dardargelinaysa wax u qabadka dadka barakacayaasha

  Gudoomiyaha Hayโ€™ada Qaxootiga Qaranka Aamino Siciid Cali iyo Masโ€™uuliyiin ka kalaย  socotay Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Qorsheynta iyo Gargaarka, ayaa waxaa…

Wararka
October 24, 2019

Ra’iisul wasaare Xamse oo Wasiirka Arrimaha Debadda faray wax ka qabashada cabashada Muwaadiniin Soomaaliyeed ee Safarada

Muqdisho (SONNA) Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa intii uu maanta ku guda jiray safarkiisa waxa…

GudahaWararka
January 8, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qaybgalay furitaanka ololaha dhirbeerista Soomaaliya oo Baydhabo ka bilowday

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaaย  ka qeyb galay munaasabadda furitaanka…

GudahaWararka
January 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023