Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa ka qeybgalay munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa is beddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen.

“Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay is beddelka.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda.

Ra’iisull wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Madaale oo kulan la qaatay wafdi ka socda WFP

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wafti ka socday…

GudahaWararka
December 1, 2024

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo kormeer hawleed ku jooga Shabeelaha dhexe

Al-kowtahar (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneral Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma…

GudahaWararka
July 8, 2024

Ciidanka Danab oo howlgal ka sameeyay Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar+Sawirro

Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta magaalooyinka…

WararkaWargayska
August 29, 2020

Wasaaradda Awqaafta XFS oo Beledweyne ka billowday wacyi gelin ka dhan ah khawaarijta

Beledweyne-(SONNA)-Culimaa’udiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimah Diinta ee XFS ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne waxay u qabateen kulan ku…

GudahaWararka
September 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023