Aadan Yabaal-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha dhexe.
Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa degmadda degmada Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlee Xuseen, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odawaa iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan kula qaatay madaxda Hirshabeelle, saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in degmada iyo deegaannada kale ee laga xorreeyay Khawaariijta laga fulin doono adeegyadii bulshada ee aas-aasiga u ah.