Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliye Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa dib ugu soo laabtay caawa magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo kaga qaybgalay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.