Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in horumarinta adeegyada caafimaadka ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka dalka ka dib kormeer uu maanta ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday qaybta dhaqidda kelyaha oo uu yaallo qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta, taas oo fududeeysay baahiyaha bulshada ka haystay sifeyn kelyaha.
Adeegyada danta guud ee lacag la’aanta ayaa wax weyn ka taraya baahiyaha bulshada danta yar ka haysatay xaaladaha halista ee ay ka mid tahay sifeynta kelyaha iyo ka warqabkooda.
Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.