Muqdisho-(SONNA)–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.