Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.
Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u xil-saaran qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee
Sanadguurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, amniga iyo xiriirinta hey’ adaha qaybta ku leh dabaaldegga Maalmaha Xorriyadda.