Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

By Abdulkadir
Last updated: November 24, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay Qorshaha Isbeddelka Qarank iyo Hiigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.

“Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay Aqoonsiga Qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta nidaamkaan casriga ah,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay Ra’iisul Wasaaruhu in dhammaan hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta xogta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nidaamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey howladeennada iyo maamulka hey’adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen muddada kooban.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali, isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Kaarka Aqoonsiga ka sokoor lasoo kordhin doono Nidaamka Diiwaangelinta Madaniga ah, gaar ahaan marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.

Sidoo kale Maareeyaha Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Wasiirrada oo Go’aano Culus ka soo Saaray Doorashada Sharci-darrada ah ee Jubbaland

Kismaayo, (SONNA):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan gaar ah oo uu shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka…

GudahaWararka
November 25, 2024

Dowladda oo Muqdisho Ka qeybisay agab caafimaad oo Qeyb Ka qaadanaya qorshaha xakameynta cudurka COVID-19

Muqdisho:(SONNA) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka…

Wararka
April 27, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Addis Ababa-(SONN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob…

GudahaWararka
September 10, 2025

Xarunta gurmadka ee hay’adda maareynta musiibooyinka oo la hirgaliyey

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub…

GudahaWararka
June 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023