Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 4, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay hadii Hal milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.

“Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.

Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Soomaaliya, oo loogu magac daray “National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku doonayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Midowga Afrika oo canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay Uganda

ADDIS ABABA-(SONNA)-Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u canbaareeyay labadii qarax ee shalay lala beegsaday caasimadda Uganda ee Kampala. Guddoomiyaha…

CaalamkaWararka
November 17, 2021

Madaxweynaha JFS oo maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad…

GudahaWararka
September 29, 2025

Koofur Afrika oo diiday damaca Israel ee Soomaaliya

Johanesburg (SONNA): Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka digtay in go’aanka Israel ay ku aqoonsanayso Somaliland oo ah gobol ka mid…

GudahaWararka
December 29, 2025

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Muqdisho(SONNA):-Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo…

GudahaMaqaallada
February 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023