Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa : “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 4, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay hadii Hal milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.

“Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.

Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Soomaaliya, oo loogu magac daray “National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku doonayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sheekh Cusmaan Usuuli “Culumada dalka joogta waxaan leeyahay safka hore gala oo jihaadka hoggaamiya.”

Muqdisho-(SONNA)-Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa faray in Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay galaan safka hore ee dagaalka oo ay hoggaamiyaan jihaadka dalka…

GudahaWararka
July 30, 2024

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka oo qaabbilay Madaxa Xafiiska Bisha Cas Soomaaliya ee dalka Qatar

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha hayy’adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Bisha Cas…

GudahaWararka
March 8, 2023

Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- kulamada Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, ayaa maanta galay maalintii labaad ee Kalfadhiga…

GudahaWararka
December 14, 2025

Dab xooggan oo qabsaday dhismaha Jaamacadda Makarere

Muqdisho:(SONNA)-Dab xooggan ayaa qabsaday dhismaha jaamacadda  weyn  ee Makarere ee dalka Uganda.Illaa iyo hadda ma cadda sababta dabka dhalisay, sidoo…

Wararka
September 20, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023