Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in kaalmo samafal la gaarsiinayo gobolka Gedo
    August 12, 2025
    Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday  heshiisyo oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed
    August 12, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta oo qaabilay danjiraha Shiinaha
    August 12, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta-Nabadda iska Diiwaangeliyay
    August 12, 2025
    Duqa Muqdisho iyo James Swan oo kulmay
    August 12, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale

By Abdulkadir
Last updated: May 20, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho, SONNA:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada”.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in dalkeennu uu yahay mid hodan ku ah kheyraad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dalkeenna ceegaaga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasaaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiirro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in kaalmo samafal la gaarsiinayo gobolka Gedo

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii…

August 12, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka JFS u fadhiya Sudaan oo xaqiijiyay galista ciidanka mucaaradka ee xarunta safaaradda Soomaaliya

Muqdisho)SONNA):-Safiirka jamuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudan Mudane Maxamed Sheekh Isaaq ayaa xaqiijiyay in ciidamada mucaaradka dalkaas ay galeen…

Wararka
May 15, 2023

Fatahaad iyo daadad ka dhashay Roob ka da’ay degmada Xudur

Muqdisho(SONNA):-Roobab daadad wato oo ka da'ay magaalada Xuddur ee G/Bakool ayaa saameyn daran ku yeeshay dadka, iyadoo daadadku guryaha magaalada…

GudahaWararka
November 19, 2023

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda oo cunaqabateyn ku soo rogay shakhsiyaad gacan saar la leh Khawaarijta

Muqdisho, (SONNA): Guddiga Qaran Ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee…

GudahaWararka
July 18, 2024

Shirweynaha 5-aad ee Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Shirweynaha 5-aad ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmay magaalada…

GudahaWararka
October 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023