Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 3, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isla markaana u kuurgalay saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qoysaska ka barakacay fatahaadaha ay u baahanyihin kaalmo dhinac waliba leh, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan caawinta Walaalahood uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Jowhar iyo daafeheeda waxaan ku soo arkay duruufo adag oo ay sababeen fatahaadaha webiga. Qoysas badan ayaa barakacay una baahan dib-udejin, cunto iyo caafimaad. Aan u istaagno caawinta walaaleheen. Xukuumaddeydu waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray guddi Wasiiro ah oo qeyb ka ah Wafdigiisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad beni’aadannimo la soo gaaraan Jowhar.

“Waxaan ciidamada qalabka sida ugu hambalyaynayaa, gaar ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta jab weyn gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab, waxayna dagaal kaga hayaan inta u dhexeyso Jilaab iyo labi buraale, waxaan rajeynayaa inaan garabkooda istaagno, Ilaaheyna garabkooda wuu istaagayaa, Insha Allah, guusha aad Shacabka Soomaaliyeed u soo hooyseen waa guul aan la hilmaami karin, waana idin garab taaganahay, sidaa horey ugu socda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Shaqada ee Soomaaliya oo ka kulmay dhiggiisa Dalka Suudaan +Sawirro

Khartum-(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhiggiisa Dalka Suudaan , Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka…

Wararka
February 27, 2020

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo soo xiraay wadatashi ku saabsan xeer-nidaamiyaha sharciyada hay’adda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudne Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta u soo xiray Madaxda…

GudahaWararka
November 8, 2023

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa…

GudahaMaqaallada
March 28, 2021

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaadiid Caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta & Gobolka Banaadir

Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta hal gaari oo…

GudahaWararka
February 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023