Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Tartankan oo ay ku guuleysatay kooxda kubadda Cagta ee degmada Shengaani ayaa u dhaxeeyey degmooyinka Cabdicasiis iyo shangaani oo iyaga Final iskugu soo baxay Tartankii degmooyinka Gobolka Banaadir.
Raisul Wasaare Rooble ayaa Koobka gudoonsiiyey Degmadda shengaani oo iyada hanatay tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadkaan, waxaana ra’iisal wasaaruhu xusay in tartamada cayaaraha degmooyinku ay sara u qaadayaan isdhexgalka bulshada, tayada cayaartoyda iyo nabadda.