Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta magaaladda Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska sanadguuradii kasoo wareegtay Af-gembigii fashilmay ee Turkiga, ayaa u hambalyeeyey Shacabka dalkaasi iyo dowladooda.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga munaasibadda xuska maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda #15July oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur” ayuu Mudane Mahdi Guuleed
Munaasabadaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.