Muqdisho-(SONNA)-Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo madaxda kale ee wasaaradda.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka isagoo ka dhageystay warbixinta howlaha wasaaradda oo ay ka mid yihiin dhaqangelinta istiraatiijiyadda cadaaladda dalka, dib-u-habaynta shuruucda iyo latashiyada bulshada ee dhamaystirka dastuurka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray waaxaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo warbixinno ka dhageystay hormuudka waaxaha, wuxuuna bogaadiyay dedaallada wasaaradda gaar ahaan dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda ka qeyb-galinta dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha muhiimka ah ee wasaaradda ay waddo, isaga oo ku ammaanay hufnaanta iyo shaqada baaxadda leh ee ay qabtaan.