Seville, Spain-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka dalka.