Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha horumarka iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta Al-shabaab.
Danjire Steen ayaa dowladda Soomaaliya ku boorriyay horumarka ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda ay kala shaqayn doonaan sidii adeegyada assaasiga loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deeganada la xoreeyey.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahad celiyey Danjiraha iyo dowladda Denmark dedaalada taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed siiyaan ee dhinacyada kala duwan leh.