Muqdisho (SONNA) Raโiisal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Salah Ahmed Jama ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xaruunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuur-galaayey hawlaha shaqo ee baaxadda leh ee Wasaaraddu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa Raโiisal Wasaare ku xigeenka dalka uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorsheyaasha horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga, iyo guud ahaan dedaalada ay sameeyeen, iyo caqabadaha jira inta ba.