Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta.
Shirkan ayay xukuumadda DanQaran ahmiyad gaar ah ku siisay gaadhsiinta adeegyada bulshada iyo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, hirgelinta amniga iyo caddaaladda.