Muqdisho(SONN):-Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay Shirka madasha Arimaha Bin’adanimada oo maanta Muqdisho ka furmay.
Shirkaan oo soo agaasintay Hey’addaย Maareynta masiiboyinka Qaranka waxaa Goobjoog ka ah Guddoomiyaha Hey’adda maareynta Mudane Maxamuud Macalin,Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka,Hey’addaha deeq bixiyeyaasha iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Madoobay.
Ra”iisul wasaare ku xigeenkaย Saalax ayaa uga mahadceliyey hayโadaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in goobaha u baahan in deg-deg lagu gaarsiiyo gargaar ay ugu horreeyaan deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in weli ay jiraan dad badan u baahan in gurmad la gaarsiiyo, maadaama ay hantidoodii dhaafiyeen abaaraha iyo cunaqabateynta ay khawaarijtu saartay.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaladaha arimaha Bin’adanimada.